Daahfurka Application-ka Casriga ah ee Quran Tabsera oo ka dhacay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Muqdisho, 12kii Febraayo 2025 – Maanta magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah looga daahfuray Application-ka casriga ah ee Quran Tabsera, oo ah barnaamij cusub oo la iskaga akhrisan karo Quraanka Kariimka ah, lana dhagaysan karo, sidoo kale lagu baran karo Tafsiirka Quraanka.

Daahfurkan waxaa ka soo qaybgalay culimada Soomaaliyeed ee ugu waaweyn, waxaana ka mid ahaa: Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Saciid Raage, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Xuseen Cali Jabuuti, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Cabdihayi, iyo guddoomiyaha midowga Jaamacadaha, Prof. Bidey.

Waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay culimo kala duwan oo ka kala yimid dalka dibaddiisa iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda kala duwan.

Application-kan, oo ay sameysay Jaamacadda Hormuud, ayaa noqon doona mid wax weyn ka bedeli doona sida ay bulshada Soomaaliyeed u isticmaasho tiknoolajiyada si ay u barato Diinta iyo gaar ahaan Quraanka Kariimka ah.

App-ka Quran Tabsera waxa uu taageeraa in ka badan 6 luuqadood, oo ay ka mid yihiin: Soomaali, Carabi, Ingiriis, Faransiis, Kiswahili, iyo Amxaari. Barnaamijkan waxaa ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ugu magac dheer ee tafsiir u sameeya Quraanka, sida Shiikh Maxamed Mucalim, Shiikh Cumar Faaruuq, iyo Shiikh Maxamed Dirir, waxaana sidoo kale ku jira Qurraa ka kooban 23 qof.

Daahfurkan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo ka tarjumaysa sida tiknoolajiyadu uga qayb qaadan karto horumarinta barashada Diinta ee bulshada, gaar ahaan sidii loo heli lahaa fursad sahlan oo lagu baran karo Quraanka iyo tafsiirkiisa meel kasta oo qofku joogo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM