Dad u afduubanaa kooxda Daacishta Soomaaliya oo lasoo furtey

Image
Howlgalkan ayaa ka dhacay degaanka Af Cas, oo 80-km Koonfur Bari kaga beegan magaalada Boosaaso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala, ayaa ka warbixiyay duqeymo Jimcihii ay Mareykanka ka fuliyeen Puntland ayna ku dileen saddex ka tirsan Daacish.

Al-Caddaala ayaa intaas ku daray in duqeynta lagu burburiyey xeryo ciidan oo ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaanka Af Cas, oo 80-km Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Boosaaso.

Wasiirka oo la hadlay VOA-da ayaa tibaaxay in duqeyntan ay daba socotay weerar todobaad ka hor ka dhacay deegaanka Calmadow ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.

Waxa uu xusay in Af Cas ay aheyd meel ay Daacish ku haysteen dad shacab ah. Dhowr qof ayaa la soo badbaadiyay, mana jirto wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah howlgalka ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.

AFRICOM ayaa sidoo kale xaqiijisay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah, iyagoo carabka ku adkeeyay in la qaaday tallaabooyin ballaaran oo looga hortagayo in la dhibaateeyo dadka aan dagaalka ahayn.

"ISIS waxa ay fulisay weeraro badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan weeraro argagixiso oo ka dhacay Afrika, Yurub, Bariga Dhexe, iyo Aasiya, waxayna khatar ku tahay danaheena iyo saaxiibadeena," ayay tiri AFRICOM.

AFRICOM ayaa intaas ku dartey: "Soomaaliya waxay weli udub dhexaad u tahay degaanka ammaanka ee Bariga Afrika. Ciidamada Taliska Mareykanka ee Afrika waxay sii wadi doonaan tababarada, la-talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada si ay u hoos u dhigaan Daacish".

Wasiirku ma uusan cadeyn doorka Puntland ay ku leedahay howlgalkaasi. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka howlgali karto meel kasta oo dalka ka mid ah, iyadoo kaashaneysa dalalka Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM