Dadaalo la isugu soo dhaweynayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo fashilmay

Image
Isku-daygan diblumaasiyasadeed waxaa hormuud ka ahaa Jabuuti iyo Kenya waxaana waan-waanta ay ka socotay Nairobi.

MUQDISHO, SoomaaliyaDadaal diblumaasiyadeed oo ay Kenya iyo Jabuuti ku doonayeen in ay ku xaliyaan khilaafka u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ee ku saabsan is-afgaradkii muranka dhaliyay ayaa dhamaaday iyadoo aan la gaarin wax heshiis ah, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.

Xogta ayaa sheegeysa in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Nairobi ku sugnaayeen wakiilo ka kala socda Soomaaliya iyo Itoobiya balse mas’uuliyiinta labada dal ma aysan la kulmin ama ma yeelan wada hadal toos ah. 

Kenya waxa ay wadday dadaal dhab ah oo diblumaasiyadeed, dadaalkaas oo la sheegay in uu hormuud u ahaa madaxweynaha Kenya William Ruto.

Xogtu waxay sheegeysaa in mowqifka Soomaaliya uu ahaa mid cad uuna ahaa in aysan jiri doonin wada hadal toos ah haddii aysan Itoobiya ka tanaasulin Is-afgaradkii “Sharci-daro” ahaa ee uu baarlamaanka Soomaaliya ku dhawaaqay, uuna saxiixay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM