Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo AS oo ka dhacay deegaanka Shabeelow

Image
Weerarkan ayaa lagu tiriyaa kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Shabeelow, Soomaaliya - Kooxda ‘AS’ ayaa saaka aroortii weerar loo adeegsaday labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku qaaday deegaanka Shabello ee dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa socday muddo labo saacadood ah, kaasoo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda “AS”.

Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, iyadoo aan weli shaacin baaxada Khasaaraaha ka dagaalkaasi ka dhashay.

Weerarkan ayaa lagu tiriyaa kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, kaasoo ka mid ah fariisimihii ugu dambeeyay ee AS ay ku lahaayeen deegaanada Maamulka Galmudug.

Weerarkan ayaa imaanaya kadib markii ciidamada dowladda ay isaga baxeen magaalada Caad ka dib weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada todobaadkii hore. Ciidamadii ka baxay deegaanka ayaa fariisimo ka sameystay deegaanka Shabeellow.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM