Dagaal dhexmaray Ciidanka Dowladda iyo AS oo ka dhacay deegaanka Shabeelow

Image
Weerarkan ayaa lagu tiriyaa kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Koonfurta Gobolka Mudug.

Shabeelow, Soomaaliya - Kooxda ‘AS’ ayaa saaka aroortii weerar loo adeegsaday labo gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ku qaaday deegaanka Shabello ee dhaca Koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalka ayaa socday muddo labo saacadood ah, kaasoo u dhexeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka oo dhinac ah iyo kooxda “AS”.

Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, iyadoo aan weli shaacin baaxada Khasaaraaha ka dagaalkaasi ka dhashay.

Weerarkan ayaa lagu tiriyaa kii ugu ballaarnaa ee ka dhaca Koonfurta Gobolka Mudug, kaasoo ka mid ah fariisimihii ugu dambeeyay ee AS ay ku lahaayeen deegaanada Maamulka Galmudug.

Weerarkan ayaa imaanaya kadib markii ciidamada dowladda ay isaga baxeen magaalada Caad ka dib weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada todobaadkii hore. Ciidamadii ka baxay deegaanka ayaa fariisimo ka sameystay deegaanka Shabeellow.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM