Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Image

Birta Dheer, Gedo – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay aroortii weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Birta Dheer, oo hoostaga degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidanka ay heleen xog sirdoon oo tilmaamaysay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku sugnaayeen deegaankaas, islamarkaana ay wadeen abaabul ciidan. Sida ay sheegeen saraakiisha milateriga, weerarka ayaa u dhacay si nabad ah oo waafaqsan qorshaha la diyaariyey.

“Ciidanku waxay burburiyeen saldhigyo muhiim ah iyo gabaadyo ay kooxdaasi halkaas ku lahayd,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada howlgalka fuliyay, isagoo intaas ku daray in howlgalka uu qayb ka yahay gulufka ka socda gobolka Gedo.

Inkasta oo la sheegay in dagaalka uu sababay khasaare labada dhinac ah, haddana ilaa iyo hadda lama xaqiijin tiro rasmi ah oo ku saabsan dhimasho ama dhaawac. Mas'uuliyiinta ciidamada ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan dheeri ah oo ku saabsan waxyeellada dagaalkaasi sababay.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo, kuwaas oo lagu beegsanayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda Al-Shabaab.

“Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha lagu xoreynayo guud ahaan gobolka Gedo, waxaana la rajeynayaa in dagaalladan ay horseedi doonaan in Al-Shabaab laga saaro deegaannada ay ka joogaan gobolka,” ayuu yiri sarkaal kale oo la hadlay warbaahinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garaad Jaamac oo ka digay in Khilaafka Soomaalida uu fursad u noqdo Israel 

Hadalkan ayaa uu ka jeediyay munaasabad dhaqameed ka dhacday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, Puntland.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 01:44PM

Galdogob oo Sanado Kaddib Kulmisay Madaxda Puntland iyo Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa munaasabadda kula fadhiistay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 12:29PM