Dagaal xooggan oo ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo

Image
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu socday ku dhowaad muddo hal saacadood ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beled-Xaawo, dagaalkan ayaa waxa uu socday ku dhowaad muddo hal saacadood ah.

Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay in iska hor imaad uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Doolow oo ay isku horfadhiyaan ciidamo Ethiopian ah, xarunta sirdoonka, xarunta maamulka iyo saldhiga booliska.

Khasaaraha weli lama oga. Hase ahaatee, waxaa lagu waramay inuu isku-dhacan sababay waxyeelo nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaarey dhamaan dhinacyadda dagaalamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM