Dagaal xooggan oo ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo

Image
Dagaalkan ayaa waxaa la sheegay in uu socday ku dhowaad muddo hal saacadood ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beled-Xaawo, dagaalkan ayaa waxa uu socday ku dhowaad muddo hal saacadood ah.

Sarkaalkan ayaa waxa uu sheegay in iska hor imaad uu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Doolow oo ay isku horfadhiyaan ciidamo Ethiopian ah, xarunta sirdoonka, xarunta maamulka iyo saldhiga booliska.

Khasaaraha weli lama oga. Hase ahaatee, waxaa lagu waramay inuu isku-dhacan sababay waxyeelo nafeed iyo mid hantiyadeed oo soo gaarey dhamaan dhinacyadda dagaalamay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM