Dagaalame ka tirsanaa AS oo isku dhiibay ciidanka Soomaaliya

Image
Dagaalo ka dhacay gobolada Hiiraan, Galgaduud Iyo Qeybo kamid ah Koonfurta Mudug ayuu ka qeyb-qaatay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Guudow Maadey oo ka tirsanaa Al-Shabaab, ayaa maanta isku soo dhiibay ururka 47-aad Guutada 8-aad ee Taliska Qeybta 60-aad Ciidamada Soomaaliya kuwaas oo fadhigooda uu yahay degaanka Goof Gaduud Buureey ee Gobolka Baay.

Cali Guudow ayaa mudo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, waxaana uu ka qeyb-qaatay sida uu sheegay dagaalo ka dhacay gobolada Hiiraan, Galgaduud Iyo Qeybo kamid ah Koonfurta Mudug.

Dhallinyarada la qalday ee ka barbar dagaalamaya Al-Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay fahmay dhagaraha Khawaarijta, iyaga oo isku soo dhiibaya ciidamada Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM