Dalabkii uu Xasan Sheekh kula shirtagay safarkiisii lixaad ee Eritrea

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii labaad sanadkan gudahiisa waxa uu u socdaalay Asmara.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay ayaa wada hadallo labo geesood ah ku yeeshay magaalada Asmara ee caasimadda dalkaas.

Intii uu socday kulanka “balaaran” oo dhacay Axadii, labada hogaamiye waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka, oo ay ku jiraan dagaalka Soomaaliya ay kula jirto kooxaha xagjirka ah, sidda uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel.

Wadahadallo ku saabsan "mawduucyada muhiimka ah ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah" ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay kulankooda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Soomaaliya, iyadoo aan faahfaahin dheeraad ah bixin.

Wararkan ayaa intaas ku daraya in Xasan Sheekh uu ka dalbaday dhigiisa Isaias inuu hub siiyo in ka badan shan kun ciidamo Soomaali ah kuwaas oo dhowaan tababar loosoo gabagabeyn doono.

Booqashadan ayaa ahayd tii labaad ee uu Madaxweyne Xasan ku tago Ereteriya sanadkan, waana safarkii lixaad ee uu ku tago dalka Eritrea tan iyo markii uu xukunka qabtay bishii May ee sanadkii 2022, taasoo muujineysa xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweyne Maxamuud ayaa markii ugu dambeysay booqasho ku tagey Asmara bishii January, iyadoo ay xiisad ka dhex aloosantay dowladda ay deriska yihiin ee Itoobiya, taasoo salka ku heysa heshiiska dekedda Addis Ababa iyo Somaliland. Heshiiska waxaa diidey dowladda Soomaaliya.

Muuqaal la soo dhigay X (Twitter) ayaa muujinaya Madaxweyne Isaias iyo Madaxweyne Maxamuud oo booqasho ku maraya waddooyinka magaalada Asmara, iyadoo shacabka ay farxad iyo sawaxan ka qaadanayaan.

Eriteriya ayaa kumannaan askari oo Soomaali ah u tababaraysay sidii loo xoojin lahaa ciidamada ammaanka Soomaaliya, iyadoo la filayo in dhammaadka sannadkan ay ciidamada Midowga Afrika ka baxaan dalka ku yaalla Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM

Shaqaalaha garoonka Aden Adde oo shaqo joojin sameeyay kadib shaqo ka eryid

Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay faragelin ku sameyso khilaafka.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 11:55AM