Danjire Alper Aktaş: Amniga Soomaaliya waa nabad-gelyadda Turkiga

Image
Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay maalin kadib soo bandhigida Markabka Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Markab laga leeyahay dalka Turkiga ayaa soo gaaray Dekedda Muqdisho, kadib markii bishii February ee sanadkan ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiis dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay Wakaaladda Wararka Anadolu ayaa sheegay in heshiiskan difaaca uu muujinayo xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal.

“Heshiiska laftiisa waxa uu ka koobnaa qeybo kala duwan, qeybna waxa ay aheyd mid dhaqaale, qeybta kalena waxa ay aheyd mid ciidan, inta badan shaqada si wanaagsan ayay u socotaa, markabkaan waxa uu ka mid yahay qeybta ciidamada, waxaana qorshuhu yahay in la fuliyo qeybaha kale”. ayuu yiri.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, dhowr wasiir iyo sidoo kale Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa ka qeyb galay xafladda soo dhaweynta markabka.

Danjire Aktaş ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya uu muujinayo xiriirka xooggan ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, wuxuuna sheegay in Turkiga ay sii wadi doonaan taageerada ay ka go’an tahay ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Amniga Soomaaliya sidoo kale waa amniga Turkiga, waligeen kamaanu fikirin in xasiloonida Soomaaliya ay si gaar ah uga duwan tahay xasiloonida dalkeena,” ayuu yiri.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis ku saabsan iskaashiga saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee badaha bishii hore, taasoo sii xoojineysa xiriirka ka dib markii ay ku heshiiyeen heshiis difaac.

Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah dalkan dhaca Geeska Afrika ee lagu magacaabo Soomaaliya, waxa uu maalgeliyay waxbarashadiisa, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, waxana uu siiyey gargaar bini’aadantinimo oo ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sagootiyay ergayga Qaramada Midoobay

Catriona Laing ayaa soo gaba-gabeysey shaqadeedii diblumaasiyadeed ee ay u joogtay dalka.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 11:37AM

Sarkaal ka tirsanaa booliska Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

Falkan wuxuu qeyb ka yahay toogashooyin qorsheysan oo caasimada Soomaaliya ka dhacayay maalmihii dambe.

  • Soomaliya

    04-05-2024

  • 05:26AM