Dastuurka dalka oo saacado ka dib ka bixi doona ku meel gaarnimada

Image
Xildhibaanada labada gole ayaa haatan kusii qulqulaya xarunta Villa Hargeysa.

Muqdisho, Soomaaliya - Maanta ayaa lagu wadaa in labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay yeeshaan fadhi wadajir ah oo ay ugu codeynayaan afar cutub oo ka mid ah Dastuurka, kuwaas oo taabanaya hanaanka doorashooyinka iyo nidaamka dowladnimo.

Dastuurka ayaa wajahaya diidmo siyaasadeed oo kaga imaanaya madaxweynayaashii hore iyo Dowladda Puntland, kuwaasoo qaadacay hanaanka loo marayo, diidayna inay aqoonsadaan dastuurka maanta la filayo in cod aqlabiyad ah lagu meelmariyo.

Inta badan dhaliilaha loo jeedinayo dastuurka ayaa ku aadan isku deyga ah in madaxweynaha la siiyo awood dalka ku soo celin karta marxaladda kalitalisnimada, iyadoo ay u sii dheer tahay suurtagalnimada in muddo kororsi lagu sameeyo hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isku xilsaaray dhameystirka Dastuurka, isagoo aan dhag jalaq u siinin codadka mucaaradka oo u badan siyaasiyiin soo joogay marxalidihii kala duwan uu dalka soo maray.

Inkastoo maalmihii lasoo dhaafay ay dalka ka jireen khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira dastuurka ayaa waxaa la filayaa in maanta daaha laga saaro dastuurka, isla markaana dalka galo marxalad ka duwan tii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM