Dhaleeceyn loo jeediyay madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan sarkaal kaalinta 1-aad ka galay tababar Ciidan

Image
Waalidka Siciid Cali Cabdillaahi ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa uu galay kaalinta 1-aad.

Dooxa (GO) - Duuliye Siciid Cali Cabdillaahi ayaa kaalinta 1-aad ka galay guud ahaan ciidamada cirka dalalka Soomaaliya, Qadar iyo Urdun oo maanta tababar ugu soo xirmay Dowladda Qadar.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaase shaacisay in Cabdullaahi Xuseen Xasan uu isaga galay kaalinta 1-aad, taasoo niyad jab ku noqotay ehellada uu ka dhashay Siciid Cali Cabdillaahi oo iyaga si culus uga hadlay arrintan.

Waalidka Siciid Cali Cabdillaahi ayaa sheegay in wiilkiisa uu galay kaalinta 1-aad, wuxuuna sheegay in hoos loo dhigay hankiisa, isaga oo codsaday in la garab istaago Siciid Cali Cabdillaahi oo dulmi loo geystay sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ka falceliyay tallaabada dowladda ayaa ku tilmaamay mid ugub ah iyo xadgudub lagu sameeyay wiil Soomaaliyeed oo dadaalkiisa ku gaaray heer uu uga sara maray saraakiil ka socotay dalal leh ciidaan aad u xooggan.

Sababaha loo qariyay magaca Siciid Cali Cabdillaahi oo lagu shaaciyay Warbaahinta Dowladda in Cabdullaahi Xuseen Xasan uu galay kaalinta 1-aad ayaan wali la sheegin, xilli dowladda aysan wali raalli gelin ka bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Koonfur Galbeed oo wajahaysa xiisad dagaal iyo loolan siyaasadeed

Xiisaddan ayaa la sheegay inay la xiriirto khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 02:07PM

Koonfur Galbeed oo Federaalka ah ku Eedeysay "Olole dagaal iyo sumcad-dil"

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in ujeeddada ololahan ay tahay in lagu wiiqo horumarka iyo nabadgelyada gobolka.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 11:34AM