Dhaleeceyn loo jeediyay madaxtooyada Soomaaliya oo ku aadan sarkaal kaalinta 1-aad ka galay tababar Ciidan

Image
Waalidka Siciid Cali Cabdillaahi ayaa xaqiijiyay in wiilkiisa uu galay kaalinta 1-aad.

Dooxa (GO) - Duuliye Siciid Cali Cabdillaahi ayaa kaalinta 1-aad ka galay guud ahaan ciidamada cirka dalalka Soomaaliya, Qadar iyo Urdun oo maanta tababar ugu soo xirmay Dowladda Qadar.

Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaase shaacisay in Cabdullaahi Xuseen Xasan uu isaga galay kaalinta 1-aad, taasoo niyad jab ku noqotay ehellada uu ka dhashay Siciid Cali Cabdillaahi oo iyaga si culus uga hadlay arrintan.

Waalidka Siciid Cali Cabdillaahi ayaa sheegay in wiilkiisa uu galay kaalinta 1-aad, wuxuuna sheegay in hoos loo dhigay hankiisa, isaga oo codsaday in la garab istaago Siciid Cali Cabdillaahi oo dulmi loo geystay sida uu hadalka u dhigay.

Dadka ka falceliyay tallaabada dowladda ayaa ku tilmaamay mid ugub ah iyo xadgudub lagu sameeyay wiil Soomaaliyeed oo dadaalkiisa ku gaaray heer uu uga sara maray saraakiil ka socotay dalal leh ciidaan aad u xooggan.

Sababaha loo qariyay magaca Siciid Cali Cabdillaahi oo lagu shaaciyay Warbaahinta Dowladda in Cabdullaahi Xuseen Xasan uu galay kaalinta 1-aad ayaan wali la sheegin, xilli dowladda aysan wali raalli gelin ka bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM