Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Image

BURCO, Soomaaliya - Saaka, magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa waxaa ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo qorshaha xukuumadda Somaliland ay kusii daynayso maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood 2023.

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo, marka hore lasii daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, iyagoo sheegay in aan wax maxaabiis ah la sii dayn karin ilaa kuwa Somaliland lasoo daayo.

Rasaasta nool ayay Ciidamada Somaliland ku rideen dadka dibadbaxa dhigayay, waxaana la sheegay inuu khasaare jiro.

Mudaharaadku wuxuu si weyn u saameeyay magaalada, iyadoo dadku ay taayirro ku gubeen wadada weyn ee magaalada, isla markaana dhagaxyo ku tuureen ciidamada ammaanka ee isku dayayay inay kala dareeriyaan.

Arintan ayaa imaanaysa kadib markii dhawaan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan usoo jeediyay xukuumadda Cirro in ay sii dayso dhammaan maxaabiista gacanta ku haysa, maadaama tani ay hoos u dhigi karto meeqaamka Somaliland. 

Maamulka SSC Khaatumo ayaa dhawaan sii daysay 15 maxbuus, iyadoo Somaliland 11 sii daysay, waxaana sidoo kale jiray 15 maxbuus oo Puntland sii daysay bishii hore, kuwaasoo ku bedelatay 11 maxbuus oo Somaliland sii daysay.

Is-dhaafsiga maxaabiista waxaa soo dhaweeyay maamullada iyo dadka shacabka, iyadoo noqotay tallaabo loo qaadey dhanka nabada, laguna soo afjjarayo colaadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM