Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Image

BURCO, Soomaaliya - Saaka, magaalada Burco ee gobolka Togdheer, ayaa waxaa ka dhacay mudaharaad looga soo horjeedo qorshaha xukuumadda Somaliland ay kusii daynayso maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Laascaanood 2023.

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo, marka hore lasii daayo maxaabiista Somaliland ee ku xiran magaalada Laascaanood, iyagoo sheegay in aan wax maxaabiis ah la sii dayn karin ilaa kuwa Somaliland lasoo daayo.

Rasaasta nool ayay Ciidamada Somaliland ku rideen dadka dibadbaxa dhigayay, waxaana la sheegay inuu khasaare jiro.

Mudaharaadku wuxuu si weyn u saameeyay magaalada, iyadoo dadku ay taayirro ku gubeen wadada weyn ee magaalada, isla markaana dhagaxyo ku tuureen ciidamada ammaanka ee isku dayayay inay kala dareeriyaan.

Arintan ayaa imaanaysa kadib markii dhawaan Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan usoo jeediyay xukuumadda Cirro in ay sii dayso dhammaan maxaabiista gacanta ku haysa, maadaama tani ay hoos u dhigi karto meeqaamka Somaliland. 

Maamulka SSC Khaatumo ayaa dhawaan sii daysay 15 maxbuus, iyadoo Somaliland 11 sii daysay, waxaana sidoo kale jiray 15 maxbuus oo Puntland sii daysay bishii hore, kuwaasoo ku bedelatay 11 maxbuus oo Somaliland sii daysay.

Is-dhaafsiga maxaabiista waxaa soo dhaweeyay maamullada iyo dadka shacabka, iyadoo noqotay tallaabo loo qaadey dhanka nabada, laguna soo afjjarayo colaadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Kala Saxiixday Heshiis Difaac xili loolanka Gobolka xoogeystay

In si wadajir ah loo ilaaliyo marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka istiraatiijiga ah ee Bab al-Mandab.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 06:29AM

Siyaasadda Soomaaliya oo gashay weji cusub oo qalalaase ah

Bayaanka ka soo baxay xildhibaanada ayaa lagu eedeeyay maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhowr qodob oo ay ka mid yihiin.

  • Soomaliya

    09-02-2026

  • 05:24AM