Dilalka gaadmada ah oo kusoo rogaal celiyay caasimada Soomaaliya

Image
Dilkan ugu dambeeyay ayaa muujiyay walaac ku saabsan ammaanka gudaha magaalada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Sarkaal ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, Hanad Axmed Muuse, oo ka tirsanaa qeybta Booliska, ayaa lagu dilay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafadda Macallin Nuur ee degmada Dharkeenley, ee magaalada Muqdisho.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, sarkaalka ayaa waxaa toogtay ciidamo ka tirsan dowladda, inkastoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay dilka sarkaalka.

Laamaha ammaanka dowladda ma aysan soo saarin war rasmi ah oo ku aadan dhacdadan.

Bilihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ku yaraaday falalka gacan ka hadalka ah ee ay geysanayaan ciidamada dowladda, waxaana qeyb ka ah xukunno adag oo ciidamada ay ku ridayaan dambiyada ay ka mid yihiin dil iyo dhac.

Si kastaba ha ahaatee, dilkan ugu dambeeyay ayaa muujiyay walaac ku saabsan ammaanka gudaha ee dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hal qof oo ku dhintay qarax miino oo ka dhacay magaalada Baraawe

Baraawe ayaa muddooyinkii dambe ahayd magaalo muhiim ah oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay si dhow u maamulaan.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 08:11PM

Ciidamada Koonfur Galbeed oo qabtay afar ku eedeysane dil naxdin leh oo ka dhacay Wanlaweyn

Dhacdadan ayaa mar kale soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo kororka dilalka aargudashada iyo dagaallada beelaha ee ka taagan gobolka.

  • Soomaliya

    09-11-2025

  • 01:01PM