Diyaarad drone ah oo ku dhacdey goob ay maamusho kooxda AS

Image
Si dhab ah looma xaqiijin karo dalka Alayna leeyahay diyaaradan. Balse Mareykanka iyo Turkiga ayaa drones ay ka yaalaan Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa lagu soo waramayaa in maanta oo Talaado ah ay ku soo dhacday deegaanka Farsooley oo ka tirsan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Illaa haatan, lama xaqiijin karo sababta keentay in ay diyaaradan ku dhacdo aaggaas. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdadan oo kasoo baxay laamaha ammaanka Koonfur Galbeed.

Warbaahinta ay ku warameysa in saraakiisha ammaanka ay baaritaan kuwadaan sababta ka dambeysay falkan iyo sida ay u dhacdey diyaaradan.

Si dhab ah looma xaqiijin karo dalka Alayna leeyahay diyaaradan. Balse Mareykanka iyo Turkiga ayaa drones ay ka yaalaan Soomaaliya.

Farsooley waa tuulo hoostagta Qoryooley oo ay qeyb ahaan ay gacanta ku hayaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab.

Qaar kamid ah dadka dhacdadan uga falceliyay baraha bulshadda ayaa tuhun ka muujiyay diyaarada soo dhacdey waxaana ay soojeediyeen in loo dabagalo diyaaradaha hubka wada ee ku dhacaya goobaha ay Al-Shabaab maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM