Diyaarad shil ku gashay Garoonka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad u kireysan hay'adda UNSOS ayaa shil ku gashay Maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, iyadoo hay'adda duulista rayidka ay war kasoo saartay shilka.

War qoraal ah oo hay'adda duulista rayidka soo saartay ayaa lagu sheegay in diyaaradda DH8D oo siday 22 qof ay ku degi wayday Garoonka Baydhabo, kadibna ay dib ugu soo laabatay Muqdisho, oo abaare 1:30PM ku degtay xabad markii lugta hore u bixi waysay.

Ma jirto cid ku dhimatay shilka, waxaana la sheegay inay jiraan dhowr qof oo ku dhaawacmay, waxaana arintan ay sababtay in la joojiyo duulimaadka mudo saacado ah, maadaama hawada dhanka badda ku jirtay diyaarada oo shidaalka inta ka dhamaanayo la sugayay.

Baaritaan ayaa socda oo ku aadan sababta diyaaradda lugta ugu bixi waysay, iyadoo wadada run-way-ga laga jiiday diyaaradda yar, oo ahayd mid UNSOS u shaqeynaysay oo shaqaalaha u wadey magaaladda Baydhabo, ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafayay, shilka noocan ah ayaa ka dhacayay garoonka Aadan Cadde, iyadoo sababta la sheegay inay tahay diyaaradaha oo ah kuwa aan tayadooda wanaagsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM