Diyaarad shil ku gashay Garoonka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad u kireysan hay'adda UNSOS ayaa shil ku gashay Maanta Garoonka Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho, iyadoo hay'adda duulista rayidka ay war kasoo saartay shilka.

War qoraal ah oo hay'adda duulista rayidka soo saartay ayaa lagu sheegay in diyaaradda DH8D oo siday 22 qof ay ku degi wayday Garoonka Baydhabo, kadibna ay dib ugu soo laabatay Muqdisho, oo abaare 1:30PM ku degtay xabad markii lugta hore u bixi waysay.

Ma jirto cid ku dhimatay shilka, waxaana la sheegay inay jiraan dhowr qof oo ku dhaawacmay, waxaana arintan ay sababtay in la joojiyo duulimaadka mudo saacado ah, maadaama hawada dhanka badda ku jirtay diyaarada oo shidaalka inta ka dhamaanayo la sugayay.

Baaritaan ayaa socda oo ku aadan sababta diyaaradda lugta ugu bixi waysay, iyadoo wadada run-way-ga laga jiiday diyaaradda yar, oo ahayd mid UNSOS u shaqeynaysay oo shaqaalaha u wadey magaaladda Baydhabo, ee xarunta KMG maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafayay, shilka noocan ah ayaa ka dhacayay garoonka Aadan Cadde, iyadoo sababta la sheegay inay tahay diyaaradaha oo ah kuwa aan tayadooda wanaagsanayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM