Diyaaradda Kenya Airways oo dib u billowday duullimaadyadii Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Tallaabadan ayaa qeyb weyn ka qaadan karto isku socodka dadka iyo badeecadaha dalka.

Muqdisho, Soomaaliya - Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeybgalay manaasabad xarigga looga jarayay Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomin.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu Warbaahinta uga warbixiyay muhiimada ay u leedahay in Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways maanta bilowdo Dulimaad toos ah ay ku tagi doonto Muqdisho - Nairobi.

Tallaabadan ayaa qeyb weyn ka qaadan karto isku socodka dadka iyo badeecadaha dalka, maadaama Dowladda Somaaliya dhawaan ku biirtay Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Shirkadaha ganacsiga ee ka socda wadamada gobolka ayaa sidoo kale la filayaa in ay xarumo ka furtaan dalka si loo horumariyo is dhexgalka dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Bulshada Bariga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM