Donald Trump oo Balanqaaday Inuu Soomaaliya Ka Difaaca Doono Xuutiyiinta

Image

WASHINTON - Madaxweynaha Mareykanka ee hore Donald Trump ayaa sheegay inuu taageerayo Soomaaliya si looga hortago Xuutiyiinta, isagoo xusay in ciidamada Mareykanka ay awood u leeyihiin inay baabi'iyaan khataraha kooxda ku sugan Yemen.

Trump ayaa sheegay in kooxda ay isku dayayso inay ku dhuumato Soomaaliya. "Waxaan taageeri doonnaa dadka Soomaaliyeed, si ay uga hortagaan Xuutiyiinta inay dalkooda soo galaan oo ku dhuuntaan," ayuu yiri Trump.

Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada ku saabsan xiriirka Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab. Daraasado dhowaan sameeyay Carnegie Endowment for International Peace iyo Institute for the Study of War ayaa muujiyay in Xuutiyiinta ay isku dayeen inay xiriir la sameeyaan kooxah ku sugan Soomaaliya, si ay ugu taageeraan howlgallada ka socda Badda Cas.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in xiriirkan uu sii wadi karo burburinta Geeska Afrika iyo in kooxaha xagjirka ah ay helaan hub casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo nidaamyada gantaallada oo Xuutiyiinta ay haysato, iyadoo ka heshay Iran.

Soomaaliya, oo ku taal bariga Badda Cas ee Yemen, ayaa muddo dheer ahayd goob ay Mareykanku ka fulin jireen hawlgallada ka dhanka ah argagixisada. Washington ayaa taageeraysay ciidamada Soomaaliya iyada oo loo marayo duqeymo cirka ah iyo tababar, si loo caawiyo dagaalka ay la galaan Al-Shabaab iyo ISIS.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa usoo bandhigay Mareykanka saldhigyo milatariga iyo dekedaha muhiimka ah ee Berbera iyo Boosaaso, iyadoo ujeedku yahay in "la xoojiyo joogitaanka Mareykanka ee Soomaaliya."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM