Dood ka taagan maalgelinta howlgalka cusub AU ee Soomaaliya

Image
Golaha Ammaanka ayaa illaa 31 December 2024 waxa uu muddo xileedka u dheereeyay ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa galabta waxa uu ogolaaday qaraar ay keentay dowladda Ingiriiska kaasoo waqtiga loogu kordhiyay ATMIS illaa 31 December 2024.

Ciidanka ATMIS oo ay ku jirto Itoobiya ayaa sii joogi doona illaa dhammaadka sannadkan. Tirada loo ogol yahay waa 12,626 oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah. 

Hawlgalka cusub ee AUSSOM oo bedeli doona ATMIS ayaa la filayaa inuu bilawdo January 2025, sidda u meelmariyay Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika todobaadkii lasoo dhaafay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay dood xooggan ka taagan tahay lacagta lagu maalgalin doono howlgalka cusub iyo halka ay ka imaan doonto.

Waddamada ayaa isku-khilaafsan. Qaar ayaa doonaya in dalalka taageeri jiray ATMIS ay sidoo kale taageeraan AUSSOM balse aragtidan waxaa dood ka qaba Amerikaanka.

Sidoo kale, waxay dood culus ka jirtaa waddamada ka qeybgali doona hawlgalka cusub AUSSOM.Masar iyo Jabuuti ayaa si degdeg ah u muujiyay diyaar yihiin.

Hase ahaatee, waxaa si xooggan ay dowladda Soomaaliya uga soo horjeedaa Itoobiya taasoo doonaysa in dalkan gabi ahaanba laga reebo hawlgaka AUSSOM. 

Balse, China iyo Russia ayaa si weyn ugu ololaynaya in wadamada hadda ku jira ATMIS ay go'aan ku yeeshaan qaabka loo qeybsan doono ciidamada lagu soo dari doono AUSSOM si xiisada loo qaboojiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM