Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Image

Ciidamada badda Midowga Yurub ee howlgalka Operation Atalanta ayaa la wareegay doon yar oo laga leeyahay dalka Iiraan, taas oo toddobaadkii hore ay burcad-badeed Soomaaliyeed u adeegsadeen weerar ay ku qaadeen markab siday shidaal, meel ku dhow xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan ayaa qayb ka ah weerarro dhowr ah oo dhawaan ka dhacay xeebaha Geeska Afrika, kuwaas oo dib u soo nooleeyay walaaca laga qabo ammaanka marin-biyoodka muhiimka ah ee dunidu u marto si ay u gudbiso tamar iyo badeecooyin muhiim ah.

War kasoo baxay howlgalka Operation Atalanta ayaa lagu sheegay in shaqaalaha doonta la qabtay ay badqabaan isla markaana caafimaad qabaan, iyadoo saraakiishu sheegeen inay la shaqeynayaan hay’adaha Soomaaliya si loo raadiyo kooxdii burcad-badeedda ahayd.

“Doonida, oo ay burcad-badeeddu kaga tageen xeebta woqooyi-galbeed ee Soomaaliya, waxaa si dhow ula socday oo kormeerayay markabka calanka u sida howlgalka iyo markab dagaal oo Hindi ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Talaadadii la soo saaray.
“Kooxdii burcad-badeedda ahayd ee halkaas ku hawlgalaysay waa la kala diray.”

Burcad-badeeddu waxay doonta kalluumeysiga ahayd qabsadeen horraantii bishan, iyaga oo maalmo kaddib u adeegsaday weerar ay ku qaadeen markab shidaal siday oo calanka Malta sida, laguna magacaabo Hellas Aphrodite, kaas oo siday shidaal laga keenay Hindiya loona waday Koonfur Afrika.

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM