Dowlada Masar oo toban kun ciidan usoo diraysa Soomaaliya

Image
Askarta Masaarida ayaa la geyn doonaa Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarado laga leeyahay dalka Masar ayaa soo caga dhigatay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo keenay qalab ciidan iyo saraakiil ku wajahan gobolka Hiiraan.

10,000 oo askari oo Masaari ah ayaa la geyn doonaa guud ahaan Soomaaliya (Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug), iyadoo 5,000 ay ku biirayaan ciidamada AUSSOM halka 5,000 ay si madax bannaan u taageerayaan dowladda Federaalka.

Xalay saqdii dhexe ayaa diyaarado ciidan ayaa sahay kale keenay magaalada Muqdisho, iyadoo todobaadkan gudihiisana la filayo in tiro kale oo dheeraad ah la keeno.

Imaatinka diyaaradaha iyo ciidamada Masar ayaa ku soo beegmaya xilli xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya uu marayo heerkii ugu hooseeyay.

Khuburada ayaa soo jeedinayaan in Soomaaliya ay qeyb ka noqon karto xurgufta juquraafiyeed ee Qaahira iyo Addis Ababa, gaar ahaan la xiriirta muranka webiga Niil ee mudada dheer soo jiitamayay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM