Dowlada Soomaaliya oo Muqdisho kusoo bandhigtay hub casri ah

Image
Xafladda ayaa ka dhacdey Taliska cusub ee Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ka qeyb galay xarigjarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo si rasmi ah xariga uga jaray xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay furitaanka xaruntan, isaga oo u mahadceliyay Taliska Ciidanka Xooga Dalka iyo qof walba oo ka qeyb qaatay dhismaha xaruntan.

Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in qalabeynta ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo xarumahooda ay guul iyo sharaf u tahay Dowladnimadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay howlgalada dalka looga ciribtirayo Khawaariijta ee ay geesiyaasha qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka iyo guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray.

Ugu dambeyn, Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in goordhow kooxaha khawaariijta laga ciribtiri doono guud ahaan dalka.

Xafladda xarig jarka xarunta cusub ee Taliska Ciidanka Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qeyb galay Guddoomiyaha Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xooga Dalka Soomaaliyeed, Taliyaha Ciidanka Cirka, talisyada qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, saraakiil ka socotay dowladda Turkiga oo uu ka mid yahay taliyaha Xerada Tababarka Ciidanka ee Turksom iyo sidoo kale marti sharaf kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM