Dowladda Federaalka oo Ciidamo Cusub ku Daadisay Waddooyinka Soo Gala Muqdisho

Image

Muqdisho — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo amni oo cusub, kadib markii ciidamo si gaar ah u tababaran lagu daadiyay waddooyinka laga soo galo magaalada Muqdisho, si loo adkeeyo ammaanka caasimadda iyo looga hortago weerarrada kooxda Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiid dagaal iyo qalab culus ayaa lagu arkayay saacadihii ugu dambeeyay duleedka magaalada, halkaas oo ay ka wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka iyo baaritaanno lagu ogaanayo dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo.

War kasoo baxay dowladda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo xasilloonida Muqdisho, iyadoo la bartilmaameedsanayo goobo muhiim ah oo laga helay xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyo amni darro.

Mas’uuliyiinta amniga ayaa tilmaamay in ciidanka la geeyay meelaha istaraatiijiga ah si loo xakameeyo cid kasta oo isku dayda in ay khatar ku keento ammaanka caasimadda.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo ciidamada Haramcad ay horey uga fuliyeen howlgallo guulo laga gaaray degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo hoos u dhigay falalka amni darrada ee caasimadda.

Al-Shabaab ayaa horaantii bishan weerar ku qaadey Godka Jilicow, oo ah xarun NISA ku hayso xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana weerarka ku dhintay askar Sirdoonka Soomaaliya kamid ahaa. Weerarka ayaa waxaa fuliyay rag xiran dareeska NISA, sidoo kalena saarnaa Gaari astaanta hay'adda ku buufsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

’Faragelinta Israel ee madax-bannaanideenna waa mid aan la aqbali karin’: Madaxweynaha Soomaaliya

Somaliland oo ku taal marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, ayaa ku dhawaaqday madax-bannaanida sannadkii 1991-kii.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 11:58AM

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Gelay Fowdo, Xildhibaano Lagu Caburinayo Hoolka

Dhacdooyinkan ayaa si weyn u kiciyay walaac ku saabsan badqabka wakiillada la doortay, madaxbannaanida Golaha Sharci-dejinta.

  • Soomaliya

    07-02-2026

  • 08:57AM