Dowladda Federaalka oo ka warbixisay diyaaradii gacanta u geshay “AS”

Image
Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 9-qof oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daa’uud Aweys Jaamac Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 9-qof oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib.oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ka hadlay Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo gacanta u gashay AS.

Wasiirka ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay dadaal joogto ah ku bixineyso sidii loo soo badbaadin lahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay ee saarnaa diyaaradda kuwaas oo la rumeysanyahay in ay gacanta u galeen Al-Shabaab.

Diyaarada ayaa waxaa saarnaa 9-qof oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaanib oo Ciidan iyo shaqaale raiyd ahaa.

Wasiirka ayaa yiri, "Dowladdu waxa ay tan iyo shalay markii uu shilku dhacay waddaa dadaallo lagu samata bixinayo shaqaalaha diyaaradda".

Diyaaradda ayaa ku sii jeeday magaalada Wisil ee Koonfurta gobolka Mudug, si ay dawo u gaarsiiso ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugan ka hor inta aysan ku dhicin duleedka magaalada Xiindheer ee gobolka Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM