Dowladda federaalka Soomaaliya oo eed kulul u jeedisay Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa hadalkan u sheegay baarlamaanka federaalka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa Itoobiya ku eedeeyay inay isku dayayso inay wiiqdo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.

Fiqi ayaa u sheegay guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka in Itoobiya ay la xiriirtay dhowr ka mid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya, una sheegay in Soomaaliya aysan daneyneynin xallinta khilaafka hadda jira.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Fiqi ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in tani ay qeyb ka tahay istaraatiijiyada Itoobiya ay ku wiiqeyso taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya.

“Itoobiya waxay doonaysaa in Soomaaliya loo arko mid gardaran oo aan doonayn in wada hadal la galo si dalalkan iyaga oo dhex dhexaadin ka ah ay taageeradooda kala noqdaan Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Itoobiya in ay faragelin weyn ku heyso arrimaha gudaha ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay in ay saameyn ku yeelaneyso dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo in ay ciidamo tababarto xuduudaha.

Fiqi waxa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in Baasaboorka ay bixiso Somaliland lagu tagi karo wadamo kale marka laga reebo Itoobiya, isagoo ku tilmaamay hadalkaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Somaliland ayaa ah maamul sheegtay gooni-isu-taag sanadkii 1991-dii hase ahaatee inta badan dowladaha aduunka waxay u aqoonsan yihiin maamul goboleed hoostaga xukuumadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM