Dowladda oo Ciidamo dhigtay Waddada Muqdisho iyo Afgooye oo Al-Shabaab Lagu arkay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa Jimcaha shalay ciidamo dirtay waddada isku xirta caasimadda Muqdisho iyo magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo gaareen aaggaas, isla markaana ay weerarayeen deegaano Xaawo Cabdi, Lafoole, Ceelasha Biyaha ay ku jiraan usbuuca oo dhan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in laga cabsi qabo in Al-Shabaab ay gudaha usoo gasho Caasimadda, maadaama waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye lagu arkay, iyagoo baaraya gaadiidka. Ciidamada ayaa la sheegay inay ka sameeyeen howlgallo ballaaran si ay u xakameeyaan xaaladda amni ee deegaanadaas.

Dhinaca kale, kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegtay in dagaalyahanno ka tirsan ay weerar ku qaadeen deegaanka Bariire, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, subaxnimadii hore ee Jimcaha. Bariire oo ku yaal qiyaastii 65 kiiloomitir dhinaca koonfureed ee caasimadda Muqdisho ayaa waxaa marar badan laga soo sheegayay weerarro iyo dhibaatooyin ay geystaan kooxda Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in weerarka Bariire uu sababay khasaare, hase yeeshee ma jiro wax faahfaahin ah oo ka soo baxay maamulka gobolka ama dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda. Xaaladda amni ee Bariire iyo deegaanada ku hareeraysan ayaa ah mid faraha dowladda ka baxday, iyadoo ciidamada ay banaanka uga baxeen.

Dagaallada iyo weerarrada ay kooxda Al-Shabaab ka geystaan deegaanada dalka ayaa sii kordhaya, iyadoo dowladdu ay sheegtay in ay si xooggan uga hortagi doonto khatarta kooxda, oo bishan aad u korartay.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay jartay buundooyinka Bariire, Sabiid, Caanoole iyo Awdheegle, iyadoougu tala-gashay inaysan isticmaalin Ciidamada dowladda oo deegaanadaas ka baxay kadib weerar lagu soo qaadey dhawaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM