Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay 30 ka tirsan AS

Image
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Jilib Marka ee ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose.

Marka, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ee ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa beegsaday goobo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan kooxda “AS”, waxaana la gaarsiiyey khasaare xooggan, sida lagu sheegay warbaahinta dowladda.

Saraakiisha ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 30 maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan horjoogayaal ka tirsan kooxda, waxaana sidoo kale lagu soo qabtay gaadiid dagaal.

Ciidamada dowladda ayaa wali sii wada weerarada ay ku qaadayaan fariisimaha AS ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Waxaa la filayaa in labadan maamul uu ka dhaco wajigii labaad ee howlgallada ciidan ee ka dhanka ah AS, ka dib marka uu dhamaado wajiga koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM