Dowladda Soomaaliya oo amar duldhigtay Ethiopia Airline iyo Fly Dubai

Image
Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa dhambaalkan u dirtay diyaaradanan laga leeyahay Itoobiya iyo Imaaraadka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa ku amartay Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines inay magaca Somaliland ka saaraan website-kooda 3 maalin gudahooda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Hay'adda ayaa lagu xusay in haddii diyaaradahan ay fulin waayaan a markan kale ay wayn doonaan ruqsadda inay ku duulaan hawada dalka iyo ku degista Garoomadiisa.

Farriin qoraal ah oo ka soo baxay Hay'adda Duullimaadyada Rayidka ah ayaa shirkaddan Itoobiyaanka ah ku eedeeysay in ay iska dhago-marisay, adeegsiga magaca Soomaaliya oo beddelkeed ay isticmaasho magacyada garoomada ay ku wajahan tahay oo keliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in marar badan ay kulammo la yeelatay masuuliyiin Itoobiyaan ah si arrintan loo xalliyo laakiin aan wax natiijo ah laga gaadhin.

"Haddii aad tixraac u baahataan waxaad fiirin kartaan Application-ka mobile ka ama mareegta Ethiopian Airlines," ayaa lagu yiri farriinta loo diray Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM