Dowladda Soomaaliya oo beenisay hadal ka soo yeeray Hay’adda Duulista Somaliland

Image
Maareeyaha duulista hawada Somaliland ayaa musuq ku eedeeyay dowladda.

Muqidsho, Soomaaliya - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay hadal maanta ka soo yeeray maareeyaha duulista hawada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo warmurtiyeed soo saartay ayaa ku tiri: “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku wargelinaynaa in aysan waxba iska beddelin mid ahaanta iyo maamulka hawada Soomaaliya, ayna masuul ka tahay Dawladda Federaalka Soomaaliya.”

Warmurtiyeedka hay’adda ayaa lagu sheegay in ay leeyihin magac soo jireen ah isla markaana ay bixiyaan adeegyo ka mid ah kuwa ugu wanaagsan markii loo fiiriyo wadamada Caalamka.

“Diyaaradaha mara hawada dalkeenna waxay helaan mid ka mid ah adeegyada ugu badqabka sarreeya adduunka, taas oo keentay in hawada Soomaaliya si heer caalami ah loogu aqoonsado heerka ugu sarreeya ee “Class-A Airspace.” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda.

Maareeyaha duulista hawada Somaliland Cumar Sayid Cabdillaahi ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay lunsatay lacag dhan 60 Milyan, isla markaana siyaasadeysay diyaraadaha Riyadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM