Dowladda Soomaaliya oo dabcisay mowqifkeeda baabi'inta UNSOM

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Xasan Sheekh uu cadaadis kala kulmay saaxiibada caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dawladda Soomaaliya ayaa badashay luuqadii adkayd ee go’aankii ay ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaana UNSOM.

Xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho ayaa codsatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ee Soomaaliya.

Warqada cusub oo ay dirtay Soomaaliya ayaa lagu cadeeyey in ay diyaar dhankeeda u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka, gaar ahaana UNSOM.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in wax laga bedelo gabi ahaanba hanaanka shaqo ee UNSOM iyo soo dirida Ergayga gaarka ah.

Dhinacyada la eegi doono waxaa kamid ah saameynta aan fiicneyn ee Ajendayaasha Qaran ay ku leedahay Qaramada Midoobay, gaar ahaana dhinaca amniga caalamiga ah, Isbedelka cimilada iyo iskaashiga dunida. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa cadaadis xoogan kala kulmay qodobkan, waxaana wada hadal telefoon oo ay yeesheen xoghayaha guud ee UN-ka.

Labada mas'uul ayaa waxaa la sheegay in ay heshiis ku gaareen magacaabida guddi gaar ah oo UNSOM Shaqadeeda dib u qaabeeya la magacaabo. Hase ahaatee, ma cadda jadwalka lagu shaqeyn doono muddadaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM