Dowladda Soomaaliya oo diidey soojeedin ka timid wadamadda G7

Image
Dalabkan ayaa ahaa in uu wadaxaajood dhexmaro Muqdisho iyo Addis Ababa si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

MUQDISHO, Soomaaliya — Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in ay wada hadal la gasho Itoobiya ilaa Addis Ababa ay ka noqoto “Heshiiskii Is-afgaradka (MOU) ee ay Somaliland la gashay.

Dhawaaqa xukuumada Muqdisho ayaa yimid kadib markii qoraal kasoo baxay G7 Jimcihii shalay walaac looga muujiyay is-fahamka, uguna baaqay Itoobiya iyo Soomaaliya inay “ilaalinayaan dhammaan waddooyinka wada-hadallada.”

"Soomaaliya waxay u heellan tahay ilaalinta nabadda iyo ammaanka gobolka, waxayna aad u doonaysaa inay xoojiso wada-shaqeynteeda G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabadda iyo barwaaqada Geeska Afrika waarta," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya.

“Wadahadalka lala yeelanayo Itoobiya waa mid aan la gaari karin ilaa ay ka noqoto heshiiskii sharci darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la gashay gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) ayna muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madax-bannaanida iyo mabda’a aan faragelinta lahayn ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Howlgalka Nabadda ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Wajahaya Caqabado Dhaqaale

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa mar kale ku celiyay muhiimadda AUSSOM u leedahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 01:05PM

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay abaabulka kooxo hubeysan oo lagu beegsanayo Lafagareen

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in kulammo gaar ah oo ka dhacay Muqdisho ay qeyb ka yihiin qorshe siyaasadeed.

  • Soomaliya

    12-05-2025

  • 05:39AM