Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay duqeyn lala eegtay Al-Shabaab

Image
Dowladdu ma aysan cayimin tirada maleeshiyada looga dilay duqeyntaasi, balse waxay xustay in kooxdaasi uu khasaare xooggan soo gaaray.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn diyaaradeed oo Isniintii ka dhacday deegaanka Baraag Garguurte oo kamid ah tuulooyinka ku dhow degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaanka la duqeeyay ayaa qiyaastii 20 KM u jira degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Federaalka, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa maalmihii la soo dhaafay la beegsaday goobo ay isku uruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

“Maalmahan Khawaarijtu waxay deegaanka soo gelinayeen gaadiid, duqeynta waxaa lagu burburiyay gaadiid ciidan, waxaana lagu dilay xubno ka tirsan argagixisada, sidoo kale waxaa lagu gubay saddex gaari,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladdu ma aysan cayimin tirada maleeshiyada looga dilay duqeyntaasi, balse waxay xustay in kooxdaasi uu khasaare xooggan soo gaaray.

Weerarka ka dhacay Baraag Garguurte ayaa waxa uu kusoo beegmaya iyadoo inta badan deegaanada koonfurta gobolka Mudug ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM