Dowladda Soomaaliya oo ku fashilantay gudbinta warbixin muhiim ah

Image
Warbixintan oo ah waajib daruuri ah ayaa waxay ku saabsan tahay ka hortagga hubka wax gummaadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday Soomaaliya in ay soo gudbiso warbixin waqtigii laga sugayay ay ka dib-dhacdey, sidda ay sheegayaan illo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Warbixintan ayaa waxaa doonaya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay isaga oo cuksanaya qaraarka 1540-aad ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidda ay xogta tilmaameyso, dowladda Soomaaliya ayaa waxay kamid tahay siddeed waddan oo caalamka oo dhan ah oo aan weli gudan warbixintan oo ah waajibaad aad muhiim u ah.

Warbixinta ayaa lagama maarmaan u ah in la qeexo tillaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto hay'adaha aan dowliga ahayn, oo ay ku jiraan ururada argagixisada, ay helaan hubka wax gumaada (WMD), sida bayooloji, kiimiko, shucaac, iyo hubka nukliyeerka.

Waajibka ayaa lagu waramay in ay sidoo kale kamid tahay wax ka qabashada alaabta loo isticmaali karo in lagu soo saaro hubkaas, kaas oo laga heli karo wadamada intooda badan.

193-da waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, 185 ka mid ah ayaa horay u soo gudbiyay warbixintooda, oo ay ku jiraan inta badan dalalka Afrika.

Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay weli ka mid tahay koox yar oo waddamo ah oo aan weli soo gudbin warbixintoodii ugu horreysay—ku dhawaad ​​20 sano kaddib markii qaraarka UNSCR 1540 la ansixiyay 2004-tii.

Wadamada kale ee ku guuldareystay inay soo gudbiyaan warbixintooda waxaa ka mid ah Waqooyiga Kuuriya, Gambia, Eswatini, Mauritania, Chad, Mali, iyo Guinea.

Sikastaba ha ahaatee, haddii dowladda Soomaaliya aysan gudbin warbixintan waxay keeni kartaa cawaaqib-xumo ay kamid tahay in hoos loo dhigo awooda ay ku heli karto hubka ay haatan u baahan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM