Dowladda Soomaaliya oo loo dalbay in ka badan 1.6 bilyan doollar

Image
Codsigan waxaa si wadajir ah u diray Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ayaa sheegay in loo baahan yahay 1.6 bilyan oo doollar si loo caawiyo 5.2 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool sannadka 2024-ka.

"Codsigan soo baxay Talaadada maanta ah waxa uu ku dhawaad ​​40 boqolkiiba ka hooseeyaa dhaqaalihii loo baahdey sanadkii 2023," ayay tiri Qaramada Midoobay.

Sanadkan 2024, tirada dadka u baahan doona gargaarka ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxay hoos u dhacday 6.9 milyan, boqolkiiba 16 marka lala barbardhigo 8.25 milyan sanadka 2023.

Sikastaba ha ahaatee, waxyaabaha kale muhiimka ah ee warbixinta ku jiray waxaa qeyb ka ah in aysan jirin degmo illaa haatan loo aqoonsadey in ay wajahayso xaalad macluul ah ama ay kusoo fool leedahay musiibo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 10:50AM

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM