Dowladda Soomaaliya oo loo dalbay in ka badan 1.6 bilyan doollar

Image
Codsigan waxaa si wadajir ah u diray Dowladda Federaalka, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha samafalka ayaa sheegay in loo baahan yahay 1.6 bilyan oo doollar si loo caawiyo 5.2 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool sannadka 2024-ka.

"Codsigan soo baxay Talaadada maanta ah waxa uu ku dhawaad ​​40 boqolkiiba ka hooseeyaa dhaqaalihii loo baahdey sanadkii 2023," ayay tiri Qaramada Midoobay.

Sanadkan 2024, tirada dadka u baahan doona gargaarka ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxay hoos u dhacday 6.9 milyan, boqolkiiba 16 marka lala barbardhigo 8.25 milyan sanadka 2023.

Sikastaba ha ahaatee, waxyaabaha kale muhiimka ah ee warbixinta ku jiray waxaa qeyb ka ah in aysan jirin degmo illaa haatan loo aqoonsadey in ay wajahayso xaalad macluul ah ama ay kusoo fool leedahay musiibo.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM