Dowladda Soomaaliya oo qabatay shir ka dhan ah hubka sharci darrada ah

Image
Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomoyey shir looga hadlayay sidii ay hey’adaha amniga dalku u xakameyn lahaayeen hubka sharci darrada ah, kaas oo khatar ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhaqan-gelinta qaraarro ay horay usoo saareen Golaha Wasiirrada oo mamnuucaya iibinta iyo faafinta hubka sharci darrada ah.

Shirka waxaa sidoo kale looga hadlay sidii hey’adaha amniga loogu adkeyn lahaa inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada hubka sharci darrada ah, kuwaas oo gacan ka geysanaya hurinta colaadaha qabiillada iyo taageeridda kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta .

Wasiirka ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay kaalin weyn ka qaataan soo celinta hubka sharci darrada ah ee gacanta maleeshiyaadka ku jira, si loo hubiyo amniga guud ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM