Dowladda Soomaaliya oo qad lama dhaafaan ah u jeexday Somaliland

Image
Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa ku adkeysatay in carqaladeyntan ay keeni karto dacwad adag.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa digniin culus u dirtay Somaliland oo ku aadan in la carqaladeeyo diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa isaga goosha gobollada Waqooyi.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa carabka ku dhufatay marar badan oo diyaarado la marin habaabiyay ama la farageliyay xilli ay ku socdaalayeen hawada gobolada waqooyi ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay falalkaasi kuwo aan la aqbali karin.

“Waxaan dhowr jeer ka soo saarnay digniino ku saabsan carqaladeynta maamulka Somaliland uu ku hayo diyaaradaha isticmaala hawadeena, gaar ahaan gobolada Waqooyi, hadii ay falalkaasi ku sii socdaan waxaan la tiigsan doonaa tallaabo sharci ah” ayay tiri Wasiir Fardowsa Cismaan.

Sidoo kale, Wasiir Fardowsa ayaa ku nuux-nuux-satay in howlwadeenada Somaliland ee ka hawlgasha Hargeysa ay ka waantoobaan inay la xidhiidhaan diyaaradaha aan ka dhoofin ama ka soo degin madaarka.

“Garoon kastaa wuxuu leeyahay raadiye loogu talagalay in lagula xiriiro diyaaradaha dhoofaya ama soo degaya, waa sharci darro in idaacadahaas loo isticmaalo isgaarsiin aan la fasaxin, raadiyeyaasha Muqdisho oo kaliya ayaa loo ogolyahay inay la xiriiraan diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya,” ayay mar kale tiri wasiir Fardowso Ismacab Cigaal.

Digniintan ka soo baxday wasaaradda ayaa waxa ay barbar socotaa hadal ka soo yeedhay hay’adda duulista oo Somaliland uga digay in ay carqaladeeyaan isu socodka hawada ee isticmaala hawada Soomaaliya ayna taas ka dhalan karto ciqaab adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM