Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Image
Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay dilka hogaamiye sarre ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, horjoogahan oo sawirkiisa aanan wali lasoo helin ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Cabdulqaadir Xaaji Eenoow.

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomalaiya ayaa faafiyay in Cabdulqaadir Xaaji Eenoow uu ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

"Dhagarqabe Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa caawa lagu dilay howlgal ay fuliyeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 26-aad, guutada 6-aad ee qeybta 60-aad, howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose," ayuu yiri TV-ga dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Taliyaha ururkaas Dhamme Faarax Maxamuud Xirsi ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in xogta dhagarqabahaan ay lasoo wadaageen shacabka ku nool tuulooyinka u dhow Golweyn, iyagoo caawa ku guuleystay inay khaarajiyaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM