Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay yabooh ay ka heshay Masar

Image
Balanqaadkan ayaa wuxuu daba socdaa shir madaxeedka ka qabsoomay magaalada Asmara.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa sheegtay in Masar ay u yaboohday in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka ku yaalla Geeska Afrika, si ay isaga kaashadaan amniga, kaasoo soo ifbaxaya xilli uu meesha ka baxayo shaqada howlgalka ATMIS ee muddo dheer soo jiray oo ka tirsan nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sissi ayaa Khamiista asbuucii hore ka qeyb galay shir madaxeed ka dhacay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaasi oo isaga iyo madaxda Soomaaliya iyo Eritrea ay ku ballan qaadeen iskaashi xooggan oo ku saabsan amniga gobolka.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay gabagabada shir-madaxeedka in ay soo dhaweynayaan yabooha Masar ee ah in la geeyo Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada xasilinta marka la kala diro ciidamada Midowga Afrika ee hadda jooga bisha December.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxdu ay soo dhaweynayaan go'aanka Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu ku billaabay howlgalka Midowga Afrika ee lagu taageerayo xasilinta Soomaaliya, ama AUSSOM, kaasoo mas'uuliyadiisa la geyn doono Masaarida ama kuwa kale.

War-murtiyeed gaar ah oo daba socday shir-madaxeedka ay saxiixeen wakiillada Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya ayaa lagu caddeeyay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay go’aamiso qaabka, howlaha iyo waqtiga lasoo dirayo ciidamada AUSSOM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa tan iyo 2007-dii taageero ka helaysay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, isla markaana mas’uul ka ah weerarro lagu hoobtay oo ka dhacay dalka.

Shir madaxeedka Asmara ayaa daba socday in muddo ah xiisado ka taagnaa gobolka oo ka dhashay khilaafyo u dhaxeeya Itoobiya iyo kuwa kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM