Dowladda Soomaaliya oo Taageero Dhaqaale u raadinaysa Howlgalka AUSSOM

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay baaqeedii ahaa in si xooggan loo taageero Howlgalka Kala-guurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo si gaar ah u dalbatay taageero dhaqaale oo joogto ah iyo xalal maaliyadeed oo waqti dheer ku saleysan si loo xoojiyo xasiloonida dalka.

Intii lagu guda jiray kal-fadhigii khadka fog ee Wasiirrada ee Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar, ayaa carabka ku adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo shir maalgelineed gaar ah oo lagu taageerayo AUSSOM. Wuxuu soo jeediyay in waddan ka tirsan Gobolka Khaliijka uu martigeliyo shirkan, si loo dejiyo hannaan maaliyadeed oo waara, loona xoojiyo isla xisaabtan maaliyadeed oo hufan.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay si muuqata uga qaybqaataan taageerada Maalgelinta Nabadda ee AU,” ayuu yiri Wasiiru-Dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda. “Milkiyad weyn oo Afrikaanku leeyahay waxay dhiirrigelin doontaa kalsoonida beesha caalamka, waxayna sidoo kale fure u noqon doontaa guusha AUSSOM — oo ah howlgalka nabad ilaalinta ugu weyn Afrika.”

Inkasta oo AUSSOM ay door muhiim ah ka ciyaarayso sugidda amniga Soomaaliya, Qaramada Midoobay ayaa weli raadineysa $41.6 milyan oo dheeraad ah si loo dhammeystiro miisaaniyadda howlgalka, iyadoo la tixraacayo khatarta joogtada ah ee kooxda Al-Shabaab iyo xaaladda siyaasadeed ee wali jilicsan ee dalka.

Miisaaniyadda sannadlaha ah ee hore loogu qiyaasay AUSSOM waxay ahayd $190.2 milyan. Hase yeeshee, go’aankii lagu joojiyay kordhinta gunnooyinka askarta oo la doonayay in laga dhigo $1,000 halkii askari bishii, iyadoo halkii ay ka tahay $828, ayaa hoos u dhigay miisaaniyadda loo cusbooneysiiyay heer dhan $166.5 milyan.

Wasiir Cali Maxamed Cumar [Cali Balcad], ayaa sidoo kale u diray tacsi qaran Dowladda Uganda, qoysaska ay dhibaatadu saameysay, iyo guud ahaan qoyska AUSSOM, kaddib markii shil diyaaradeed oo ka dhacay Muqdisho 2-dii Luulyo ay ku dhinteen shaqaalaha nabad ilaalinta oo ka tirsan Uganda.

Howlgalka AUSSOM wuxuu beddelay ATMIS sannadkan 2025, iyadoo qayb ka ah qorshe lagu kala wareejinayo mas’uuliyadda amniga si tartiib tartiib ah loogu wareejiyo ciidanka Soomaaliyeed. Inkasta oo AUSSOM haatan galay wajigii saddexaad ee hawlgalka, wali laguma guuleysan in la gaaro natiijooyin muuqda kaddib 17 sano oo howlgallo ciidan ah oo lagu wajahayo Al-Shabaab, oo wali halis amni ka wada deegaanada u dhow caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaari Al-Shabaab saaran oo ku buufsan Astaanta NISA oo laga Celiyay Albaabka Villa Somalia

Weerarkan ayaa muujinaya halista ay kooxaha xagjirka ah weli ku hayaan caasimadda, inkastoo ay socdaan dadaallo ay dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 06:41AM

Maxaa kusoo kordhay Weerar Al-Shabaab ee Xabsiga Sirdoonka ee Godka Jilicow?

War rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in dhammaan 7-dii weerarka qaaday la dilay.

  • Soomaliya

    05-10-2025

  • 05:25AM