Dowladda Soomaaliya oo taageero ka heshay Wadamada Carabta iyo Bartamaha Aasiya

Image
Shir ay isugu yimaadeen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalkan ayaa si weyn looga soo horjeestay Itoobiya.

Doha (GO) - Kalfadhigii 3-aad ee Madasha Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Carabta, dalalka Bartamaha Aasiya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan, ayaa maanta lagu soo gaba-gebeeyey magaalada Doha ee Caasimada dalka Qatar, iyadoo laga wada hadlay caqabadaha iyo fursadaha ku xeeran horumarinta iskaashi wadajir ah.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirada Arrimaha Dibada ee Wadamada Carabta, Azerbaijan, Uzbekistan, Tajikistan, Turkmenistan, Jamhuuriyadda Kyrgyz, Kazakhstan iyo Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ahmed Aboul Gheit

Kalfadhiga ayaa laga soo saaray war-saxaafadeed oo ka koobnaa dhowr qodob oo muhiim ah, waxaana ka mid ah:

1- Wasiirradu waxay caddeyeen inay ka soo horjeedaan faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee dalalka, isla markaana waxay ku baaqeen in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed, si waafaqsan Axdiga iyo mabaadi’da Qaramada Midoobay iyo sharciga caalamiga ah.

2- Wasiirradu waxay si gaar ah u taageerayaan amniga, xasilloonida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ku taageereen dawladda dadaalka ay ugu jirto ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirkaba, sida ku cad qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, iyo Qodobada Axdiga Jaamacadda Carabta, isla markaana waxay taageereen dhismaha hay’adaha dowliga ah ee dalka.

3- Wasiirradu waxay caddeeyeen inay si buuxda u taageersan yihiin mawqifka ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay heshiis beenaadkii ee 1/1/2024 wada saxeexdeen Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo maamulka “Somaliland”.

4- Wasiirada ayaa sheegay in heshiiskan is afgarad uu u taagan yahay ku xad-gudub bareer ah oo lagu sameeyay mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iyo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, xiriirka deris wanaagga, nabad ku wada noolaanshaha iyo xasilloonida gobolka.

5- Wasiirradu waxay muujiyeen diidmadooda ku aadan heshiiskaas iyo tallaabo kasta oo sharci, siyaasad, ganacsi iyo mid ciidan ah oo ka dhasha, waxayna ku booriyeen dhammaan dalalka inay cambaareeyaan oo ay diidaan heshiiskaas.

6- Wasiirada ayaa sidoo kale diiday isku dayga looga faa’iideysanayo heshiis beenaadka si xaalad cusub oo siyaasadeed looga abuuro Gacanka Cadmeed, xeebaha Soomaaliya iyo Badda Cas, taaso oo ay ku tilmaameen tallaabo halis gelineysa amniga wadamada Carabta iyo isu-socodka Gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo ka qeybgashay shir looga hadlayo caqabadaha biyo helida

Madashaan ayaa waxaa lagu qabtay Magaala Xeebeedka Jaziiradda Bali ee Dalka Indonesia.

  • Soomaliya

    21-05-2024

  • 04:21AM

Cudur ka dilaacay Soomaaliya oo 120 qof ku dhimatay

Waxay sheegtay in heerka dhimashadu uu waxyar ka sarreeyo heerka heerka degdegga ah ee Ururka WHO oo ka yar ama la mid ah 1 boqolkiiba.

  • Soomaliya

    20-05-2024

  • 12:52PM