Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartey Dagaalka Puntland kula jirto Daacish

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Ciidanka Daraawiishta Puntland ee hawlgalka ka dhanka ah Daacish ka wada Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Dowladdu waxaa ay sidoo kale bogaadinaysaa doorka shacabka reer Puntland iyo garab istaagga ay u muujiyeeen ciidanka geesiyaasha ee ku jira hawlgalkaas.

Waxey Dawladdu duco u diraysaa Shuhadada ku shahiiday hawlgalka iyo kuwa ku dhaawacmay, sidoo kale waxaa ay tacsi udiraysaa ehelada Shuhadadaas iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen iyaga oo u dagaalamaya difaaca Dalka, Dadka iyo Diinta.

Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda.

Dawladda Federaalka ah waxaa ka go’an in ay shacabka iyo maamulada dalka oo dhan ku dhiirigaliso kuna garab istaagto doorkooda ka xoraynta dalka ee kooxaha Khawaarijta ah.

Dawladdu iyada oo kaashanaysa shacabka Soomaaliyeed waxay u taagan tahay sidii dalka looga tirtiri lahaa dembiileyaasha Khawaarijta, kuwaas oo muddo dheer dhibaato aan kala sooc lagayn ku haya shacabka Soomaaliyeed.

-Dhammaad-

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM