Dowladda Soomaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 50 ka tirsan AS

Image
Howlgalladan ayaa waxay ka socdaan tuulooyin hoos taga gobolka Jubbada Hoose.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in maalintii 4aad howlgal qorsheysan oo ay iska kaashanayaan Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland uu ka socda Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgalladaas lagu khaarajiyay in ka badan 50 ka tirsan AS, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 20 kale, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray: “Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubaland waxa ay Maalintii Afaraad oo xiriir ah Hawdka ku baacsanayaan Khawaarijta, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, Dhul badanna waa laga sifeeyay, alle ayaa mahadsan”.

Howlgalladan ayaa waxay ka socdaan tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo deegaanno kale, iyadoo lagu dilay horjoogeyaal iyo halka qaar kale nolosha lagu qabtay tan iyo Sabtidii la soo dhaafay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa kuwa deegaanka ayaa Howlgallo ka dhan ah AS ka wada Dowlad-Gobolleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM