Duulimaadka tooska Egypt Air ee Muqdisho oo la daahfurayo

Image
Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dowladood ayaa lagu waddaa in ay ka qeybgalaan xafladda daahfurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safiirka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa garoonka Qaahira ku sagootiyay Wafdi balaaran oo u hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Qurba joogta Masar Mudane Badar Cabdul Caadhi oo Saakay furay duulimaadkii ugu horeeyay ee Shirkadda diyaaradaha EgyptAir ee dalka Masar ku tagayso Soomaaliya.

Wasiirka iyo Wafdiga la socda oo u kamid yahay Wasiirka duulista Hawada Masar Mudane sameh Xafni ayaa saacadaha soo socda muqdisho uga qeyb geli doona Munaasibad loogu debaaldagayo khadka cusub ee labada dal iyago kulamo la qaadan doona dhigooda Soomaaliya si loo dardargeliyo iskaashiga wanaagsan ee Masar iyo Soomaaliya.

Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa sheegay iney talaabadan tahay mid sare u qaadeysa xiriirka iskaashi iyo wadashaqeyn ee Soomaaliya iyo Masar iyadoo ay fursadaan tahay mid ay ka faa’ideysan doonaan shacabka labadda dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM