Eedeysane xaaskiisa ku dilay tooreey oo gacanta lagu soo dhigay

Image
Laamaha amaanka ayaa sheegay in la baari doono kiisan si loo ogaado sababta ka dambeysa dilka.

Qoryooleey, Soomaaliya - Ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysane galinkii dambe ee Shalay xaaskiisa tooreey kugu dilay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ninka dilka lagu eedeeyay uu tooreey dhowr meelood oo halis badan kaga dhuftay xaasikiisa ka dib khilaaf soo kala dhaxgalay qoyska.

Ciidamada amaanka ayaa sheegay in la sii wadi doonno baaritaanka ku aadan kiiskan si loo ogaado sababta ka dambeysa dilkan arxan darrada ah.

Dilkaan ayaa kusoo aadaya xili gobolada kala duwan ee dalka ay kasocdeen falal noocaan oo kale ah oo lagula kacayo Gabdho Soomaaliyeed.

Dhinaca kale ilaa hadda lama hayo nin xaaskiisii ​​oo xaamilo ahayd basiin ku bilbilay ka dibna gubay, arrintaas oo si weyn looga hadal haayo gudaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM