Eedeysanihii loo haystay dilka xaaskiisa oo laga soo dejiyay Muqdisho

Image
Eedeysanaha ayaa laga soo qabtay deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Muqdisho, Soomaaliya - Eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu Basiin ku bilbilay isla markaana gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis ayaa maanta la keenay magaalada Muqdisho, si loo horgeeyo Cadaaladda.

Sayid Cali oo maalmahan laga baadi-goobaayey Caasimadda Muqdisho & gobollada dalka ayaa laga soo qabtay deegaanka Gabdhaale oo hoostaga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Aabaha dhalay Luul Cabdicasiis oo waarbaahinta la hadlay ayaa sheegay in laamaha amaanka ay guteen waajib koodii, waxa uuna ka codsaday maxkamadda awoodda u leh inay go’aan ka gaarto kiiskaan.

Luul Cabdicasiis ayaan wali la aasin, iyada oo ehelkeeda ay ku cadaadinayaan hay’adaha amniga & garsoorka inay gabdhooda ay cadaalad hesho loona qisaaso eedeysanaha.

Luul Cabdicasiis ayaa Jimcihii ku geeriyootay mid ka mid ah Isbitaalada Muqidhso iyada oo la il daran dhaawac ka soo gaaray dab la qabdsiiyay sida ay shaaciyeen ehellada Marxuumka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM