Egypt Air oo xaqiijisay in duulimaad toos ah ka bilaabeyso Muqdisho

Image
Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Fly Dubai oo laga leeyahay Imaaraadka ay dhowaan joojisay duulimaadyadii.

 

MUQDISHO, Soomaaliya — Diyaaradda Dowladda Masar ee Egypt Air ayaa xaqiijisay in ay dhowaan bilaabeyso duulimaad toos ah oo ay isaga kala gudbeyso Muqdisho iyo Qaahiro.

Duulimaadma Qaahiro iyo Muqdisho ayaa noqon doono todobaadkii labo jeer wallow aanan si rasmi ah loosoo bandhigin maalmaha ay kala noqon doonan duulimaadyadaas.

Talaabadan ayaa imaanaysa xilli Fly Dubai oo laga leeyahay Imaaraadka ay dhowaan joojisay duulimaadyadii isku xirayay Muqdisho iyo Abu Dhabi sababo aan la ogayn.

War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay shirkaddan ayaa waxaa hoosta looga xariiqay in ay go'aankan uu salka ku hayo arrimo dhanka farsamadda ah wallow aysan si dhab ah uga faalloon sababaha keenay joojintan.

"Waxaan uga mahadcelinaynaa Hay'adda Duulimaadka Rayidka Soomaaliyeed iyo mas'uuliyiinta garoonka diyaaradaha Muqdisho taageeradii ay noo fidiyeen sanadkii lasoo dhaafay," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaqiijinta shirkadda Fly Dubai ee ku aadan in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtey Muqdisho ayaa kusoo aadaysa xilli xiriirka Muqdisho iyo Abu Dhabi uu si weyn hoos ugu dhacay bilooyinkii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM