Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo xilka laga qaadayo

Image
Isbadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay qalalaase siyaasadeed oo la xiriira dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Illo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu bedelayo Catriona Laing, Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, oo UK u dhalatay.

Sababaha ka dambeeya ma cadda, waxay imaanaysa xili aan Catriona Laing aysan dhameysan muddo xileedkeeda. Ergayga cusub ayaa la filayaa inuu noqdo qof u dhashay Mareykanka.

Isbadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay qalalaase siyaasadeed oo la xiriira wax ka bedelka dhawaan lagu sameeyay dastuurka KMG ah, kaasoo Puntland ay diiday inay aqoonsato.

Sidoo kale, Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran uu baaqday sababo farsamo awgeed, sida uu sheegay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM