Eritrea oo mowqif cad ka qaadatay tababarida ciidanka Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki oo waraysi bixiyay ayaa arrinkan si weyn uga hadlay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Ereteriya Isaias Afwerki oo waraysi siiyey warbaahinta gudaha dalkaas ayaa ka hadlay arrimo muhiim u ah gobolka oo ay ka mid yihiin xaaladda Geeska Afrika, badda cas, colaadaha gudaha ee Itoobiya, iyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay wada gaareen Soomaaliya, Masar iyo Eritrea— kaasoo ay Itoobiya u aragtay mid khatar ku ah xasiloonideeda.

Afwerki waxa uu iftiimiyay in Ereteriya aysan raadinayn burburinta Itoobiya balse ay ka go’an tahay dadaallo wadajir ah oo u dhexeeya saddexda waddan si ay uga hortagaan wax kasta oo khatar ku ah ammaankooda, gaar ahaan dhinaca badda cas.

Dhanka Itoobiya, Afwerki waxa uu colaadaha socda u nisbeeyey qaab-dhismeed dawladeed oo ku salaysan qawmiyad, isaga oo saadaaliyay in xasillooni-darro ay sii jiri doonto inta nidaamyadan oo kale jiraan.

Dhanka Soomaaliya, wuxuu daboolka ka qaaday in Eritrea ay tababartay kumannaan askari oo Soomaali ah, ayna weli sii waddo tababarradaas, taasoo ujeeddadeedu tahay inay sare u qaaddo ammaanka gobolka.

Afwerki ayaa ku booriyay dalalka Afrika inay midoobaan oo ay diidaan fikradaha reer galbeedka, oo uu ku tilmaamay inay yihiin gumaysi cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM