Faahfaahin kasoo baxeysa dagaal Beeleed ka qaraxay Galbeedka gobolka Mudug

Image
Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Galdogob, Soomaaliya - Wararka aynu helayno ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen kuwa kalana ay ku dhaawacmeen dagaal beeleed dib uga qarxay deegaannada Maygaagta iyo Higlo Ceelle ee golbeedka gobolkaas.

Dagaal Beeleed laba jeer la isku laabtay ayaa ilaa hadda ka socda deegaan lagu magacaabo Labada maygaag oo hoostaga degaanka Saaxo ee Gobolka Mudug .

Dagaalka ayaa u dhexeeya Ciidamo beeleed labada dhinac ah waxaana deegaankaasi wada daga Dad xoolo dhaqato ah.

Wararkii ugu dambeeyey nagasoo gaaraya waxay sheegayaan in halkaas ay ku naf waayeen tiro dad ah, sidoo kale waxaa jira dhaawcyo ka dhashay dagaalkii saaka dhacay.

Ma ahan markii ugu horaysay ee deeganadaasi ka dhacaan dagaalo dhexmara dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku sugan Galbeedka gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM