Fahfaahin: Dowladda oo Guul ka sheegatay dagaalkii Wargaadhi

Image

Muqdisho, 24 April 2025: In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labi Gooleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka ayaa yimid kadib markii kooxda ay isku dayeen weerar naf la caari ah oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi.

Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha deegaanka oo heegan buuxa ku jiray ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaare xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhinaca kale, Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Labi Gooleey, oo qiyaastii 13 km u jirta Wargaadhi dhanka Waqooyi Galbeed. Al-Shabaab ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

Xaaladda deegaanka Wargaadhi hadda waa deggan tahay, waxaana weli socda xaqiijinta iyo tiro-koobka khasaaraha lagu gaarsiiyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay u mahadcelinaysaa ciidamada geesiyaasha ah ee sida naf-hurnimada leh ugu taagan difaaca dalkooda iyo dadkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM