Fahfaahin kasoo baxday Dagaalkii Bariire, Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

Muqdisho – Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya in ciidamadoodu khasaare weyn kala kulmeen dagaal ka dhacay degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 60km u jirta magaalada Muqdisho.

AUSSOM ayaa war-saxaafadeed ay Sabtidii soo saartay ku sheegtay in wararka ay faafisay kooxda Al-Shabaab ee sheegaya in gaadiid dagaal lagala wareegay ciidamada iyo in ay dib uga gurteen Bariire, ay yihiin kuwo aan sal lahayn.

Sida lagu sheegay warbixinta, AUSSOM iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) ayaa si wadajir ah u qaaday weerar qorshaysan oo lagu beegsaday xarumo iyo fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Bariire, 1-dii Agoosto 2025.

AUSSOM waxay sheegtay in 50 katirsan Al-Shabaab ay ku dileen dagaalkii dhacay.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in AUSSOM iyo SNAF ay ka go’an tahay in ay xoreeyaan dhammaan dhulalka wali gacanta ugu jira Al-Shabaab, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo amni waara.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera amniga Soomaaliya, iyadoo la doonayo in si buuxda loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ku hartay deegaannada koonfurta iyo bartamaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM