Fahfaahin kasoo baxday Dagaalkii Bariire, Gobolka Shabeellaha Hoose

Image

Muqdisho – Howlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si cad u beeniyay warar sheegaya in ciidamadoodu khasaare weyn kala kulmeen dagaal ka dhacay degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo qiyaastii 60km u jirta magaalada Muqdisho.

AUSSOM ayaa war-saxaafadeed ay Sabtidii soo saartay ku sheegtay in wararka ay faafisay kooxda Al-Shabaab ee sheegaya in gaadiid dagaal lagala wareegay ciidamada iyo in ay dib uga gurteen Bariire, ay yihiin kuwo aan sal lahayn.

Sida lagu sheegay warbixinta, AUSSOM iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNAF) ayaa si wadajir ah u qaaday weerar qorshaysan oo lagu beegsaday xarumo iyo fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Bariire, 1-dii Agoosto 2025.

AUSSOM waxay sheegtay in 50 katirsan Al-Shabaab ay ku dileen dagaalkii dhacay.

Danjire El Hadji Ibrahima Diene, oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in AUSSOM iyo SNAF ay ka go’an tahay in ay xoreeyaan dhammaan dhulalka wali gacanta ugu jira Al-Shabaab, si shacabka Soomaaliyeed ay u helaan nabad iyo amni waara.

Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageera amniga Soomaaliya, iyadoo la doonayo in si buuxda loo wiiqo awoodda Al-Shabaab ee ku hartay deegaannada koonfurta iyo bartamaha dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM